Ciidamada dowlada oo lagu
Warka naga soo gaarayo Degmada Afgooye , ayaa sheegaya in Habbeenimadii xalay Halkaasi uu ka dhacay Dilal iyo Qaraxyo is daba socday.
C/llahi Axmed oo kamid ah dadka Deegaanka ayaa inoo xaqiijiyay in Askari ka tirsanaa Ciidamada Boliska DFS ay Kooxo Bastoolado ku hubeysnaa ku Toogteen bartamada Suuqa Degmada Afgooye ee Heliwaaley.
Askariga la Toogtay ayaa la sheegayaa in xiliga dilka uu ka adeeganaayay Suuqa lagu dilay, waxaana dilka kadib Meydkiisa goobta ka qaaday Ciidamada Dowlada oo aan goobta ka fogeyn xiligaasi uu dilka dhacaayay.
Sidoo kale, wararku waxa ay intaa kusii darayaan in Laba Qarax laga maqlaayay Isla Degmada Afgooye kuwaasi oo lagu weeraray Ciidamo ka tirsanaa Dowlada oo Fariisimo ku lahaa Galbeedka Degmada Afgooye gaar ahaan Mukayga.
Qaraxyada lala eegtay Ciidamada Militeriga ayaa waxaa la sheegayaa inuu ku dhintay Hal Askari, halka dhaawac fududna uu soo gaaray Mid kale oo kamid ahaa Askarta.
Ma aha markii ugu horeysay oo ay Ciidamada Dowlada dilal iyo Qaraxyo lagula eegtay gudaha iyo daafaha Degmada Afgooye, waxa uuna dilka iyo Qaraxa kusoo beegmayaa xilli ay Kooxda Alshabaab ku hanjabtay weeraro ka kala dhaca Magaalada iyo Gobolada Somalia.