Mamulka Galmudug oo

13/07/2014 17:54

Ciidamada Galmudug oo Gaalkacyo ka Burburiyey Goobo Sharcidarro ah

Gaalkacyo (KON) - Ciidamada Ammaanka Maamulka Galmudug ee Magaalada Gaalkacyo ayaa Maanta Burburiyey Goobo Sharci-darro ah oo iskugu jira Ganacsi iyo Guryo intaba.

Teaser Image Ciidamada Galmudug oo Gaalkacyo ka Burburiyey Goobo Sharcidarro ah

 

Duqa Degmada Gaalkacyo ee Galmudug, Bile Diini Cali oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Ciidamada Ammaanka ay Burburinayan Dhismooyinka Sharcidaradaa ee Dadka ay ka dhistaan Wadad Hareeraheeda.

Bile Diini Cali ayaa Digniin u diray Dadka ka dhaga Adeega Amarka Dowladda Hoose ee Maamulka Galmudug, wuxuuna sheegay in cidii kahor timaada Tilaabo laga qaadi doono.

Ciidamada Ammaanka ayaa mManta Burbiriyey Dhismayaal aad u badan oo ay ku jiraan Guryo Filooyin ah oo si qalad ah ay Dadku u dhisteen.

Sidoo kale Duqa Degmada Gaalkacyo ayaa Shacabka ka Codsaday in ay la shaqeeyaan Ciidamada Amaanka ee ku howlan Burburinta Dhismayaasha Sharci daradaa ee ku yaala Magaalada Gaalkacyo.

Dowladda Hoose ee Maamulka Galmudug ayaa ayaantaan waday Burburin Goobaha Sharcidaradaa iyo Dhismaayo wadooyinka ku yaala Magaalada Gaalkacyo.

Abdirahamn .M. Hussein

Mogan news – Xafiiska Muqdisho


Make a website for free Webnode